Ciyaartoyda dhowr ah ayaa horay u sameeyay ballanqaadyo ku saabsan waxa ay sameyn doonaan haddii ay ku guuleystaan koobkii seddexaad ee xilli ciyaareedka.
Hadaba Goolhayaha dooqa koowaad ee Ederson ayaa waraysi uu siiyay ‘Mail Sport’ kaga hadlay waxa uu filayo ka hor kulanka sabtida waxana uuna sidoo kale sameeyey balan qaad. Laacibka reer Brazil ayaa markii ay ku guulaysteen horyaalka Premier League mar horeba timihiisa ku midabeeyay buluug, wuxuuna mar kale sameyn doonaa haddii ay ku guuleystaan Champions League.
"Gabadhaydu waxay iga codsatay inaan timahayga ugu midabeeyo buluug taas aawadeed, waxay ahayd buufin caruureed oo biyo ka soo baxayaan. Dabcan, haddii aan mar kale noqono guuleystayaasha, waxaan mar kale ku rinjiyeyn doonaa timahayga buluug.
Ma hubo in ciyaartoyda kale ay sidaas oo kale sameyn doonaan, waxaa jira qaar aan timo lahayn," ayuu ku kaftamay.
"Ciyaartan waxaan u baahanahay inaan u diyaargarowno xaalad kasta in ka badan 90 daqiiqo ama 120 ama rigoore haddii loo baahdo. Waxaan u baahanahay inaan u diyaargarowno xaalad kasta si aysan wax nooga yaabsan. Waxaan ka shaqeyn doonaa shuruud kasta, dhamaystirka, karoosyada, iyo rigoorayaal," Ederson ayaa sidaas yidhi.