Kalsoonida naftu waa aaminaada in aad si sax ah wax u qaban karto ama aad xaalad ula tacaali karto sidoo waxaan oran karnaa waa ku kalsoonaanta kartidaada,tayadaada iyo go'aan qaadashadaada kalsoonida naftu aad ayey muhiim ugu tahay caafimaadka iyo fayooidda nafsiga ah
Kalsoonida naftu waxay fure u tahay ka guul gaarida nolosha dhanka kale
kalsoonidaradu waxay kugu hogaaminaysaa inaad noqotid qof guuldareysatay ama ku
fashilmay nolosha
Culumada daraaseeya cilmi nafsiga waxay sheegeen, haddii qofku badsado
fikradaha xunxun ee xumasheega ah, arrintaasi waxay dhaxalsiisaa in uu noqdo
qof aan waxba qabsan karin kaddibna fikradahaasi waxay isku beddalaan kuwa
ficil, dhaqan iyo caado ah.
Sida
loo noqdo qof kalsooni badan
Waxaa jira dhowr siyaabood oo aad kalsonidaada ku kordhin
kartis ,si aad kalsooni u heshid dabadeedna aad arrin ka yool gaartid waa in
aad raacdaa dhowrkan qodob oo muhiimka ah:
1. Jooji isbarbardhiga naftaada iyo
dadka kale:
waxa laga yaabaa in aad is barbardhigto adiga iyo saaxiibkaa sida,
mushaharkaaga iyo waxa uu helo saaxiibkaa. Aragtida isbarbardhigga bulsheed
waxay sharraxaysaa in isbarbardhigga la sameeyo ay tahay mid dabiici ah.
Laakiin uma badna inay kaa caawiso kor u qaadida kalsoonidaada. Waxay xitaa
yeel kartaa saameyn lid ku ah
Haddii aad ka masayrto nolosha qof kale, waxa kale oo waxtar leh inaad
xasuusato meelaha aad ku fiican tahay iyo guulahaaga. Hayso joornaalka
mahadnaqa si aad si fiican ugu xasuusato meelaha nolosha ee aad ku barakowday.
Tani waxay kaa caawin kartaa inaad diirada saarto noloshaada iyo inaad diirada
saarto nolosha dadka kale
2. Dadka wanaagsan la saaxiib:
Dadka aad waqti la qaadato waxay saameyn ku yeelan karaan fikradahaaga iyo
dabeecadahaaga ku saabsan naftaada, laga yaabee in ka badan intaad ogaaneyso.
Marka, fiiro gaar ah u yeelato sida ay dadka kale ku dareensiiyaan. Haddii aad
naftaada ka xumaato ka dib markaad qof gaar ah la wadaagto, waxaa laga yaabaa
inay tahay waqtigii aad macsalaamayn lahayd.
3. Naftaada dhiirigeli:
Dhiirigelinta naftu waa qodob kale oo muhiim u ah kalsoonida nafta maxaa
yeelay markaad dhiiran tahay waxaa kaa go,'an inaad guuletsatid haddii aan
rabtid inaad naftaada ku kalsoonaato dhiiranow oo ha ku qancin aaga raaxada
(comfort zone) hana niyad jebin markaad guul dareysato
4. Deji ahdaaftaada nololeed oo ku
guuleyso:
Degso qorshayaal aad ku hagayo naftaada mar kasta ahow qof qorshe ku socda
ahowna qof hadaf ka leh nolosha qorshayaashaasi waxey noqo. Karaan kuwo dhow
iyo kuwo dheer( mustaqbalka)siyaabaha aad ku degsan karto ahdaaftaada waxaa ka
mid ah:
• Sameyso jadwal
• Ogow ahdaaftaada ( waxaad rajaynayso mustaqbalkaaga)
• Maaree waqtigaaga
• Bedel hab nololeedkaaga
5. Baro xirfad kuu gaara:
Tani waxey ka mid tahay siyaabaha aad naftaada ugu kalsoonaan karto markasta oo
aad xirfad baratid waxaad ka maarmeysaa baahida aad u qabto dadka kale sidoo
kale waxaa kordheysa baahida lagu qabo adiga ha noqoto, xirfadaada,waayo
aragnimadaad iyo aqoontaada
6. Iska illaali waxyaabaha strees-ka
keena:
Streesku waa cudur ku dhaca dadka markey mushkilado ay xal u waayeen la so
gudboonaadaan waxaanu asiibaa maskaxda,sidaa awgeed haddii aadan iska ilaalin
streeska waxaa yaraynaysa kalsoonida nafsadaada
7. Jimicsi badan samee
Jimicsigu waxaa uu dhisaa jirka,qaab muuqaaleed ahaan iyo maskax ahaan waxaana
uu adkeeyaa lafaha Tani waxay ka qeyb qaadataa firfircoonida nafta iyo nashaada
maskaxda waxayna horsedaa inuu qofku isku kalsoonaado.