Dhageysiga wanaagdan iyo waxyaabaha lagaa rabo si aad ahaatid dhageyste wanaagsan

Xabeeb

Dhagaysiga wanaagsan

Waa dhagaysiaga si qoto dheer ah ee lagu dhagaysanayo af-hayeenka warka ama qofka hadlaya si loo fahmo macluumaaadka ka soo baxaya afkiisa loogana jawaab celiyo weydiimahiisa

Dhegaysi firfircooni waa awoodda si buuxda diiradda loogu saarayo qofka hadlaya, Si ka duwan dhegeysiga dadban, xirfaddan isgaarsiineed ee aadka loo qiimeeyo ayaa hubinaysa inaad awood u yeelan karto inaad ka qaybgasho oo hadhow dib u xasuusato tafaasiisha gaarka ah adoon u baahnayn macluumaad soo noqnoqda.

Dhageystayaasha fir fircoon waxay adeegsadaan farsamooyin afka ah iyo kuwo aan hadal ahada sida, luuqadda jirka(body language)si ay u muujiyaan dareenkooda ay u hayaan, Tani kaliya ma taageerto fahamkaaga inaad diirada saarto, laakiin sidoo kale waxay kaa caawinaysaa hubinta in afhayeenku(qofka hadlayaarki karo inaad diirada saarayso oo aad ku hawlan tahay sidii aad ula socon laheyd. Halkii aad ka fikiri lahayd oo aad maskaxiyan ku celcelin lahayd waxa aad odhan karto marka uu hadalka dhammeeyo, dhagaystaha firfircooni waxa uu si taxadar leh u tixgaliyaa erayada qofka hadlaya oo uu xogta u geliyo xusuusta

Heerarka dhegsiga:

Dhagesigu waxaa uu maraa 4 heer oo kala ah:

  •  hel xogta,ama Dhegeyso (receiving)
  • Fahan ka qaado (understanding)
  • Qiiemeyn(evaluation)
  • Ka fel celi(respond)

Waxyaabaha lagaa rabo xilliga dhagaysiga

Waxyaabaha lagaa rabo xilliga dhagaysiga waa inaa la timaado dhowr arimood oo kaa dhigaya inaad noqoto dhegeyste wanaagsan si attentionkaagu u joogo sidoo kale aad u dhuuxdid nuxurka hadalka qofka hadlaya  waxaana ka mid ah:

  • Dhegeysi buuxa
  • Dulqaad samee
  • Eye contact
  • Faham guud
  • Ujeedo ka yeelo waxaad dhageysanayo
  • Dhegeyso si verbal ah iyo si aan vernal aheynba
  • ilaali oo maskaxda u fur waxaad dhegeysanyo
  • Xiiso u yeelo weydimaha hadlaha
  •  Jawaab celin

Iska ilaali siyaaabahan xilliga dhegeysiga :

  • In aadan xiiseyn macluumaadka aad dhegeysanyso
  • Inaad qofka joojisid xilliga uu kula hadlayo
  • Weji cabuusnimada.

Tags